Search
Close this search box.

π•Œπ•Šπ”Έπ”Έπ•„π”Έ 𝔹İℕ 𝕃𝔸𝔸𝔻𝕀ℕ

π•Œπ•Šπ”Έπ”Έπ•„π”Έ 𝔹İℕ 𝕃𝔸𝔸𝔻𝕀ℕ
ππšπ²π›π­π’π’ 𝟏𝐚𝐚𝐝

Qisada halyeygan markaad ka war doonto waxaad yaqiin sanaysaa in aanay weli ka dhamaan aduunka ragii raga ahaa ee naftooda iyo maalkoodaba u hurayey diinta xaniifka ah.

Dhaldhalaal aduunyo kama aysan dheerayn Usaame oo noloshiisii dhalaanimo wuxuu kusoo kusoo qaatay nolol aduunyo tan ugu saraysa,taasna waxa usaamaxday ka dhalashada qoyska bin laadin oo ka mid ah qoysaska maalqabeenada ah ee Sucuudiga ku nool.
Iyadoo ay taasi jirto oo weliba uu aabihii ahaa billionaire,hadana taasi kama aysan indho saabin xaqiiqada dhabta ah ee nolosha aduunyo.
Isagoo da’da labaataneeyada maraya ayuu qoriga qaatay ilaahay dartiis,noloshiisii quruxda badnayd ee boqranayd ayuu kasoo socdaalay si uu uugu hiiliyo diinta Islaamka,una dagaalamo deegaan iyo dad aanay isku ab iyo isir ahayn.
Waxa xusid mudan in aanu caalamku sidan uu hada yahay aanu ahayn balse ay jireen hogaamiyaayaal damiir koodu noolyahay waxaana cadeyn kuugu filan dagaalkii dhex maray Midawga soofiyeetka iyo dawlada Islaamka ah ee Afganistan.

Si kale marka loo dhigo wuxuu dagaalku ka dhaxeeyey muslimiin iyo shuuciyiin,sidaas darteed wadamadii islaamkuna waxay jideeyeen jihaadkaas in laga qayb qaato sidoo kale ay abaabulaan mujaahidiin ka turjumaysa dalkooda.
Usaame da’dii dhalinyaro nimada ayuu dhex jibaaxayey markii uu ku biirey islaamiyiintii afganistaan oo la dirirayey midawga soofiyeetka,waagaas(80s) waxa loollan siyaasadeed ka dhaxeeyey midawga maraykanka iyo midawga soofiyeet ka oo mid walba waxa uu damacsana in uu caalamka ku fidiyo afkaartiisa iyo falsafadiisa taa caksigeeda uu ka hor istaago kan kale inuu caalamka ku fidiyo aragtidiisa.
Waxayna sababtay in uu maraykanku la safto Afganistan,keliya si ay u burburiso midawga soofiyeetka oo ay cadaawad gaamurtay ka dhaxeysay.

Ilaahay idinkii guushu waxay raacday muslimiintii,usaame wuxuu kusoo noqday sucuudiga isagoo karaamaysan oo lagu faanayo.
Markii uu waxooga joogayba waxa qarxay dagaal kale,Madaxweynihii ciraaq ayaa weerer ku qaaday kuwait taasina waxay sababtay in maraykanku soo fara gashado arΔ±nkan oo uu weerer celis kala hortago dawladii ciraaq.

Usaame arinkan aad buu uga gadooday,waayo nin gaal ah in uu muslimiinta dhexdeeda ka shaqeeyo way la qumanaan weyday wuxuuna isla markiiba boqortooyada sucuudiga uga xog waramay gardarada ay wado dawlada maraykanku.
Boqortooyadu waxay usaame uugu jawaab celisay hadal sidan u dhignaa,”dawlada maraykanku waxay u joogan difaacida iyo badbaadada wadamada carabta”,culimadii laftarkoodu waxay fatwoodeen in uu maraykanku ku saxsan yahay duulaankaas ay qaaday.
Usaame dhankasta way ka mareen boqortooyadii sucuudiga iyo masuuliyiin tiiba si ay usaame uuga joojiyaan la dagaalanka maraykanka ee uu ugu yaraan haduu dagaalamayo uu sadaam Hussein la dagaalamo!

Boqortooyadii sucuudiga iyo Usaame xidhiidhkoodii halkaas ayuu ku xumaaday wuuna iskaga tegay sucuudiga.
Halkaasna waxa ku bilaabmaya Hayaankii Usaame iyo Hoogi maraykan.

Share This Article