πππππͺπ ππ ππππππ π π
Waxay ahayd uun bil mudada uu ku qaatay xabsiga, Waxaad ka dheehan karta is bedelka wejigiisa ka muuqda In uu ugu yaraan la kulmay tacadi ka baxsan insaanimada.
Talow xanuunka uu maray intee buu gaadhsiisan yahay ilaa ay indhihiisi galka baxsadeen,socodkii iyo hadalkiiba aanu sixi karin sida ilma yar oo hada uun guβgii koobaad u buuxsamay.
wiilkan dhalinyartaana waxa lagu xidhay mid ka mid ah xabsiyada dawlad kusheega Israel,kolkii lasoo daayey waxa lagu baahiyey baraha bulshada muuqaal laga qaadayo wareysi waad quusanaysa xaalada uu ku sugan yahay.
Qofka qaangaadhka ee nolosha dhexdhexaadka ku nool sida ay u badan tahay 2 sanno iyo wixii ka badan ayey ku qaadata in uu isbedel ku yimaado,isagana 30 maalmood oo keliyaata!
Haa 30 maalmood oo keliyaata ayey ku abuureen shakhsiyad kale oo aanad takhayuli karin waxay lasoo kulantay.
Bogaga taariikhda ee falastiin waxaad kaga qoran tihiin baal dahab ah oo aanan duugoobayn sida goboninada iyo geesinimadu ku jirto ee aad qudha uugu hibayseen jiritaanka dhulkaas barakaysan idinkoo aanan haysan ciidan iyo cid aad ciirsataanba.
Sidaas oo ay tahay waxaad tihiin geesiyaal aan ku faano maantana cizigii uu lahaa caalamul islaam idinka ayaa calankeedii inoo hayaa waana wax lagu farxo.
Waxa xusid mudan in ay falastiin soo martay waayo badan ka hor intaan lagu wareejin dawlad kusheega Israel,waayahaas hadii aad dib u daraasaysid waxaad xaqiiqsanaysa in ay yaraayeen halyeeyadi Hal adeyga la yimi dhulkaas barakaysana naftoodana u huray taas caksigeeda waxa jiray qaar baal madow kaga qoran bogaga taariikhda muslina inala sheegta,sababto ah waxay si dhib yari ah ku wareejiyeen dhulkaas barakaysan Gaalo,taas bedelkeeda waxay gaaladu garab siin jirtey had ba kooxdi dhulkaas ku wareejisa,oo cidee bay uuga hiilinaysay?isla muslim kale uun.
Maanta idinku ma taagnidin cahdigii cumar binu khadaab oo hadaad muslim tihiin caalamka maamulkiisa kuma gacan saraysaan mana awoodaan in aad si dhib yar kula wareegtaan dhulkaas barakaysan,mana joogtaan cahdigii futuuxaatka islaamiga ay dhaceen oo ma haysataan ciidan iyo miisaaniyad dagaal oo aad iskaga babac dhigi kartaan duulkaas dulaysan.
Dhibaatada iyo hagardaamada ay idiin gaysteen gaaladu waxa idiin raacsan dhabar jebinta iyo damiir xumada caalamul islaam.
Iyadoo ay waxaas oo dhan ay jiraan marna hadal kamaydaan gelin jihaadkaas.
Idinkoo og in aydaan haysan cid aad ciirsataan marka laga yimaado ilaahay ayaad hadana ku hal adayg teen in aad jihaad la timaadaan.
Masaafo aad u fog ayaa idiin dhaxeeya idinka iyo muslimiinti hore u furatay dhulkaas barakaysan waayo ugu yaraan iyagu way awoodeen wayna haysteen ciidan ay iskaga babac dhigaan gaalada,balse idinku waxba ma haysaan!
Magaranayo si aan kuu fahansiiyo laakiin weli lama kulmin damiir ka nool damiirkooda.